Qodobo ka kooban 4 oo laga soo saaray kulankii hordhaca ahaa ee maanta ka furmay Gaalkacyo.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa Jawi mashquul ah uu ka jiraa magaalada Gaalkacyo oo ay kuwada sugan yihiin Wafdiga DFS iyo Madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in waan-waanta socta laga gaaray xal KMG ah, waxaana lasoo sheegayaa in Madaxda uu shirka u socdo ay isla garteen in si KMG ah loo hakiyo Colaada ka dhexeysa labada maamul.

Madaxweynaha Mamaulka Galmudug oo gogosha ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Maamulka Galmudug ay gacanta ku dhigeen maxaabiis islamarkaana ay badqabaan kuna wareejinayaan Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Ra’isul wasaare, Cumar C/rashiid Cali ayaa lagu wareejiyay maxaabiis dagaaladii ka dhacay dhawaan magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo kasoo jeeda Puntland, iyadoo maxaabiistan oo uu wareejiyay madaxweynaha Galmudug, C/kariin Guuleed ay tiradoodu ahayd sagaal qof.

“Waxaan ra’iisul wasaaraha Somalia ku sharafnay inaan ku wareejinno sagaal ruux oo ahaa maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Gaalkacyo; kuwaasoo intii aan haynay aan si wanaagsan ula dhaqannay, innagoo u arkaynay inay yihiin dad walaalaheen ah,” ayuu intaas ku daray madaxweynaha Galmudug.

Inta uu socday kulanka ayaa waxa ay Wafdiga DFS iyo Madaxda Maamulada dalka isla garteen ilaa 4 Qodob oo loo arko in si KMG ah loogu xalinkaro Colaada ayaa waxaa laga gaaray kulanka maanta waxaana kamid ah:-

1. In dhammaan xabbadda iyo dhammaan muuqaallada colaadeed la joojiyo

2. In Ciidamada is hor fadhiya la kala Qaado

3. In dadkii magaalada ka barakacay lasoo celiyo

4. In la dhiso guddi kawada hadla dhibka jira, guddigaas oo ay soo dhisayaan dhinacyada kala duwan iyo dowladda federaalka Somalia.

Madaxweyne Gulleed oo aragti ahaan ka hadlaayay qodobad ayaa yiri “Afarta qodob ee Ra’iisul Wasaaraha soo bandhigay waa aqbalnay oo ahaa in xabada la joojiyo, in ciidamada la kala qaado, in dadka barakacay la soo celiyo iyo in guddi wada hadal oo waxa la isku haayo iyo dhibka jira ka wada hadla la magacaabo, waxaa cadeyneynaa in qodobadaas aan si shuruud la’aan u aqbalnay”

Geesta kale, madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isla maanta soo gaaray Waqooyiga Gaalkacyo, halkaasoo isaga iyo dhiggiisa Jubbaland, Axmed Madoobe ay kula kulmeen waxgaradka Puntland, balse lama wixii kasoo baxay kulammadaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com