SHEEKH SHARIIF oo soo fara-geliyey dagaalka…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu ka hadlay dagaalka culus ee Maamulada Galmudug iyo Puntland ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, inkastoo xaalada Magaalada Gaalkacyo shalay iyo maanta ay tahay mid degan.

Shariif Sheekh Axmed waxa uu sheegay marxalada maanta la joogo inay tahay in laga shanlaayo dadkii hore ee dhintay, balse aysan aheyn dagaal cusub oo dhiig shacab uu ku daato hada inuu dib u soo cusboonaado.

Madaxweynihii hore ee Somaliya waxa uu sheegay dadka wada dega Mudug inay nabad ku wada noolaan jireyn, maantana aysan mudneyn in dagaalo cusub lagu barakiciyo oo lagu dhibaateeyo.

“Marka hore waxaan aad uga xumahay dagaalada ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo dadna ku dhinteen dadna ku barakaceen Maanta waxay tahay inaan ka shanleyno wixii naga dhintay maanta ma aheyn dagaal cusub inuu Somaliya ka bilaabmo, marka waxaan leenahay nafta iyo Shaydaanka ha lala dagaalamo, dadka waa walaalo deegaan waligeed waa lawada deganaa”Ayuu yiri Sheekh Shariif Shekh Axmed.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay Dowladda Federalka Somaliya, kaalinta kaga aadan arintaan inay tahay ka shaqeynta Nabadda iyo is jeclaysiinta umadda dagaalamaysa.

Waxa uu sheegay inuu rajeynaayo Dowladda Federalka Somaliya inay qaadato kaalinteeda ku aadan Nabadeynta Gobolka Mudug iyo baajinta dhiiga shacabka ee daadanaya.

Dowladda Federalka Somaliya ayaa hada dadaal badan ku bixinaysa sidii loo dhex dhexaadin lahaa masuuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Puntland oo lagu madalsan yahay in Shir la isugu keeno Magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com