Xildhibaan: Xasan ayaa ka dambeeya dagaalka.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo kamid ah Xildhibaanada sida xoogan uga faalooda xaalada dalka ayaa iminka ka hadlay dagaalada soo laalaabta ee ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dagaalka uu dhaliyay khasaaro badan waxa uuna tilmaamay in dagalkaasi ay kaalin ku leedahay Madaxtooyada Somalia.

Cabdi Barre Yuusuf waxa uu sheegay in Madaxtooyada Somalia ay garab buuxa siineyso maamulka Galmudug, waxa uuna ku eedeeyay iney ka caga-jiideyso xal ka gaarista dagaalkaasi sii xoogeysanaaya.

Waxa uu tilmaamay in mas’uuliyada ugu badan ee dagaalkaasi ay dusha saaran doonto Madaxtooyada Somalia, wuxuuna cadeeyay in arrinkaasi isaga wax laga weydiin doono.

Isaga oo arrinkaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Sida aan la socno galmudug waxaa soo maray madaxweynayaal kala duwan ma dhici jirin arrintaani iyo mid u dhow, waxa ay tani muujineysaa in DFS ay garab boodeyso galmudug”

”Galmudug waxa ay garab lahubo ka heysataa Villa Somalia taasna ay keentay daan daansiga maamulka kale ee dariska la ah ee Puntland”

“Waxaan la socnaa in maalin weliba Hub diyaarado loogu daabulo magaalada Cadaado oo dowladda federaalka ay ku muujineyso sida ay u garab taagan tahay Galmudug”

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf waxa uu sidoo kale sheegay in arrintaasi looga goleeyahay sidii dowladda hadda ay muddo kororsi u sameysan lahayd maadaama sida uu yiri fooda nagu soo heyso 2016 oo dalka doorasho in ay ka dhacdo lagu wado.

” In madaxtooyada ay waxbadan kala socto dagaalka ka socda Gaalkacyo waxaa daliil u ah ma aysan wali ka hadal, taasi waxa ay sii ifineysaa in Madaxweyne Xassan uu la dhacsan yahay waxa ka socda Gaalkacyo”

Haddalka Cabdi Barre Yuusuf ayaa kusoo beegmaaya xili Madaxweyne Xassan Sheekh uusan wali ka hadal xaalada dhabaqsan ee ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com