Shirar gaar ah oo Gaalkacyo ka socda, Gaas iyo Axmed Madoobe oo tagay magaalada (Warbixin)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C.rashiid Cali ayaa kulamo gaar ah la leh madaxda maamul goboleedyada dalka oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Shirka ayaa ka dambeeyay markii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu kulan gaar ah magaalada Gaalkacyo dhanka koofureed kula qaatay madaxweynaha maamulka Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale Waxaa magaalada tagay madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland oo kasoo dhaqaaqay saaka magaalada Garowe, iyagoo kulamo gaar ah ku yeeshay Garowe watanna hal fikrad.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C.rashiid ayaa doonaya in xal rasmi ah laga gaaro dagaalada ka dhacay magaalada Gaalkacyo, waxaana wafdigiisa kamid ah madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo Wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in la filayo in shir rasmi ah oo ay u dhan yihiin dhamaan madaxda kus ugan magaalada Gaalkacyo ku yeeshaan magaalada, shirkaasi oo xal looga gaarayo xiisada u dhaxeyso maamulada deriska ah.

Dib kala soco wixii kusoo kordha shirarka socda wararkeena danbe

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com