25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dhageyso: M/weyne Xasan Muxuu ka yiri Shirka weynaha qaran ee Muqdisho?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  oo ka hadlay Shirweynaha dib U heshiisiinta qaran ee Soomaaliya oo maanta Muqdisho si rasmi ah uga furmay , wuxuu sheegay in loo baahan yahay in bulshada Soomaaliyeed ay fikir wanaagsan oo wax qabad leh  la yimaadaan.

Wuxuu sheegay inay Jiraan dalal faqri ah oo aan heysan wax dhaqaalo ah Muuqaal ahaana u muuqda kuwo aan la jecleysan karin , hadana horumar ka gaaray dhanka Technology-yada kana mid ah wadamada caalamka ugu hormarsan .

Soomaalida ayuu sheegay in sidaasi si kasii wanaagsan looga fadhiyo inay dadaal u muujiyaan , isagoo sheegay in dhaqaale iyo aqoonba soomaalidu ay leeyihiin balse Fikirka wanaagsan ee wax dhisikara uun uu ka maqan yahay .

Guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan xal u helidda Nabadda Soomaaliya , si 2017-ka dalka ay uga dhacdo doorasho xur ah.

Halkaan ka dhageyso Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud

Dhanka kale Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka arimaha Dibadda Soomaaliya ahna Ra’isul wasaare kus xigeenka  Soomaaliya sidoo kalana ah Kusimaha ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Sacuudi Carabiya ayaa ugu horeyn waxay kulanki maanka kusoo dhaqeysan qurba joogta Soomaaliyeed.

Ujeedka kulan weynaha dib u heshiisiinta qaran ee maanta Muqdisho ka furmay ayay ku sheegtay inay uga golleeyihiin Dhamaystirka qaabka siyaasadeed oo ku saleysan  geedi socod toosan horumarka  iyo isku finaanshiyaha Soomaaliya.

Waxay shegtay in loo bahanyahay in la qaado tilaabooyin wax ku ool ah oo loo wada dhanyahay sidaas darteed ayay dowlada Soomaaliya u qorsheysay shirara is daba joog ah oo la isugu soo dhaweynaya dhamaan bulshada soomaaliyeed ee wax tabaneysa.

Sidoo kale kulanka waxaa ka hadlay Aqoon yahano, Waxgarad, Siyaasiyin iyo qaar ka mid ah culimada Soomaaliya waxaana dhamaan ay shaaca ka qaadeen inay lagama maarmaan ay tahay helitaanka nabad ka dhalata gayiga soomaaliya iyo inay garbaha is qabsadaan shacabka la daalaadhaca dhibta cooladda .

Halkaan ka dhageyso Fowsiyo Yuusuf Xaaji

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News