Muqdisho (Caasimada online) Madaweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole’ ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu ka tilaabsaday howlihii loo idmaday iyo inuu sameeyay Kutagri fal dhanka hogaanka ah .
Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad, wuxuu ka mid yahay nabadoonada kasoo jeeda gobolka Bari ee deeganada maamulka Puntland Wuxuu sheegay in Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole iyo mas’uuliyiinta Maamulkaas loobaahan yahay in maxkamad la horgeeyo.
Wuxuu sheegay in Muddo Afar sano ah loo magacaabay isla-markaana uu ku dhaartay inuu hogaamiyo Puntland balse uu ku sii darsaday sanad dheeri ah oo jeedkiisa uu ka keensaday raalina aan laga aheyn.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Punt;and ayuu sheegay inuu ku raacay isla markana uu u horseeday in Faroole uu ku dhiirado inuu sanad dheeri ah uu ku darsado , isagoo sheegay in taasi ay muujineyso in madaxda Maamulka Puntland ay sida ay doonaan ay ka yeelanayaan hoogaaminta shacabka .
Ugu Dambeysn Shacabka reer Puntland ayuu ugu baaqay inay la xisaabtamaan Faroole goorey ahaataba,maadaama sida uu sheegay Nabadoonka dalka iyo dadka intaba Faroole uu dambi ka galay.
Halkaan ka dhageyso Cod Nabadoon Yassin CabdisamedDhawaan deeganada maamulka Puntland waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo doorashooyinka Madaxweynaha maamulkaasi,maadaama Madaxweynaha iminka talada haya uu muddo halsano oo dheeri ah ku darsaday afartii sano ee loo doortay inuu xilkaasi haayo.Bishoo hore waxaa hakan uu ku yimid isla -markaana Faroole uu sheegay in gabi ahaanba la joojiyay doorashooyinka golaha deeganka iyo hirgalinta nidaamka Xisbiyada badan.
Caasimada onlineXafiiska Muqdisho
[email protected]