Dhageyso: Natiijada kulankii GAAS iyo Guuleed!

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Shir Gaar ah oo maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasi oo u dhaxeeyay madaxweynaha Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa looga hadlay dagaaladii kusoo laabtay magaalada ee shalay dhacay.

Wasiirka arimaha Gudaha xukuumada Soomaaliya  C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo saxaafada la hadlay marka uu shirka soo idlaaday ayaa sheegay in shirka ay goobjoog ka ahaayeen ra’iisul wasaaraha Soomaalia iyo madaxweynayasha Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan.

Shirkaasi ayaa kadib waxaa la iska gartay in maanta si rasmi ah loo kala qaado ciidamada amaanka ee labada maamul goboleed kuwaasi oo wali magaalada isku horfadhiya.

Sidoo wuxuu sheegay in maanta lagu balamay iney magaalada kusoo wareegaan masuuliyiinta ku sugan Gaalkacyo iyada oo la kala qaaday ciidamada isku horfadhiyo magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com