Xildhibaan & ganacsade lagu toogtay Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa goordhow Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ku weeraray gaari ay la socdeen Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug iyo Ganacsade si aad ah looga wada garanaayay Gaalkacyo.

Rasaasta ayaa waxaa laga furay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen Kooxdaasi waxaana ku geeriyooday Ganacsade Daahir Aqwaan, halka Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil ”Caano Geel” rasaastaasi ay kasoo gaartay dhaawac.

Xildhibaanka ayaa wax yar un ka hor inta aan la weerarin kasoo tagay Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaasi oo shir uga socday Madaxda DF iyo Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi, inkastoo weerarka la sheegay inuu yahay mid salka ku hayo Dagaalka u dhexeeya maamulada Galmudug iyo Puntland.

Arrintaani ayaa waxa ay shaki galineysaa Heshiiska labada maamul hadda uga socdo Garoonka Gaalkacyo, waxa ayna sheekadu u muuqaneysaa mid u gaarsi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com