Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Gaalkacyo!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Gaalkacyo ka furmay shirar kala duwan oo u dhexeeya Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid, Madaxweynayaasha Galmudug, Puntland, Jubbaland iyo Masuuliyiin kale.

Shirkaani ayaa waxaa loogu gol leeyahay in lagu soo afmeero colaada cusub ee ka dhex dhalatay maamulada Galmudug iyo Puntland.

Mas’uuliyiinta dhex dhexaadineysa labada dhinac ayaa waxa ay ku dhabar adeegayaan sida labada madaxweyne ay uga dhaadhicin lahaayen in saacadaha soo socda lagu kala qaadi lahaa Ciidamada wali is horfadhiya.

Madaxweyne Gaas ayaa lasoo sheegayaa inuu muujinaayo caga jiid, waxa uuna ku doodayaa cida mas’uulka ka noqon laheyd hadii uu Ciidamada kala baxo jiida dagaalka oo ay Galmudug kusoo siqdo.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa madasha ka sheegay inuu dusha saaran doono dhib waliba oo ka dhasha kala qaadista labada ciidan kadib, waxa uuna labada madaxweyne ku cadaadinayaa inay soo dhaweeyan xalka ay wado DFS.

Waxaa lagu wadaa in shirarka hadda socda kadib ay Mas’uuliyiinta DFS ka jooga Gaalkacyo iyo kuwa Gobolada dalka ay u ruqaansan doonaan goobaha ay ku kala sugan yihiin Ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland ee uu dagaalka u dhexeeyo.

Qorshaha hadda madasha yaala ayaa ah in kama danbeyn duhurka la kala qaado ciidamada, waxaana hadda socda dadaalkii lagu kala qaadi lahaa.

Dhanka kale, Ciidanka Puntland ayaa dib loogu celin doonaa xeryahooda iyo Kaantaroolka Koonfureed ee gaalkacyo halkaas oo ay si nabadgalyo ah haatan ku joogaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com