Xog Cusub: Xildhibaannada BFS ee kasoo jeeda Gal-Mudug oo ku shiraya Muqdisho + Ujeedada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaaya in Xildhibaanada BFS ee kasoo jeeda deegaanada uu ka arimiyo maamulka Galmudug uu kulamo gaar gaar ah uga socdo magaalada Muqdisho.

Kulamada ayaa la sheegayaa inuu la xiriiro xasarada wali ka taagan Gaalkacyo ee sida hoose wali uga dhexeysa maamulada Galmudug iyo Puntland.

Xildhibaanadaani ayaa waxa uu kulamada uga socdaa Hoteelada Muqdisho, waxa ayna ku gorfeynayaan suuragalnimada in C/weli Gaas uu ka baxo Heshiiska lawada galay iyo diidmooyinka ee uu diidaayo xalinta Colaada kala dhexeeya Galmudug.

Xildhibaanadaani oo maalmihii danbe isha ku hayay xaalada Gaalkacyo iyo ficilada C/wali Gaas uu kula kacay Wafdiga DFS iyo kuwa ka socda maamulada dalka, ayaa lagu wadaa inay soo saaran go’aano hididiilo leh oo ay kaga hortagayaan ad adeega C/wali Gaas iyo inuu ka laabto Heshiisyada shalay dhacay.

Xildhibaanada ayaa ah kuwo aad uga careysan Colaadaha uu Madaxweyne Gaas ka caga jiidaayo in si daacadnimo ay ku jirto xal looga gaaro, waxa ayna qaarkood qabaan in C/wali Gaas uu dibindaabo la damacsan yahay Galmudug.

Kulamada gaar gaarka ah ee ka socda Muqdisho ayaa muujinaaya in xaalada Gaalkacyo ay suuragal tahay inay sii laba kacleyso, bacdamaa Beelaha labada Gobol kasoo kala jeeda ay ka didsan yihiin ficilada Gaas.

Geesta kale, Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xusein Gulleed ayaa isagu cod dheer ku sheegay in uu diyaar u yahay joojinta Colaada, halka Madaxweyne Gaas uu ka gaabinaayo xal laga gaaro xasarada taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com