Michele Cervone oo u hanjabay Gaas & Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay uu dib u qarxay dagaalkii u dhexeeyay maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa arrintaasi baaqyo kala duwan kasoo saaray Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia Michele Cervone Durso.

Michele Cervone Durso oo ah wakiilka Midowga Yurub ee Somalia, ayaa sheegay inuu goob-joog ka ahaa saxiixyadii heshiiska ay wada galeen Galmudug iyo Puntland, waxa uuna tilmaamay in marnaba aysan u dulqaadan doonin in la baalmaro heshiisyadii ay goob-jooga ka ahaayen.

Michele Cervone Durso ayaa warkaani ku sheegay Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu wakiilka Yurub ku sheegay inuu ka walaacsan yahay duqeynta dib ugu bilaabatay magaalada Gaalkacyo wuxuuna dhinacyada ugu baaqay inay ka dhabeeyaan dhaqan gelinta heshiiska isagoo ku goodiyay in talaabo laga qaadi doono kuwa qas wadayaasha ah.

Waxa uu ku goodiyay in Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ay kala fadhiisan doonaan arrintaani soo laabatay xili ay wada saxiixeen Heshiis qodobeysan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in DFS qudheeda ay waxbadan ka weydiin doonaan sababta ay heshiiska kadib uga gaabisay xalinta khilaafyada yar ee u dhexeeysa C/kariin Gulleed iyo C/wali Gaas.

Dhanka kale, Michele Cervone Durso ayaa ku baaqay in si degdeg ah lagu qaato nabada labada dhan, haddii ay taasi dhici weysana ay qaadi doonaan tallaabo ku haboon.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com