Sawirro: Gaas iyo Guuleed oo baabuur lagu dhex dhaariyey & saraakiisha dagaalka oo loo yeeray

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in kulan xal raadin ah ay wada qaaten Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland.

Shirka labada mas’uul oo ahaa mid si degdeg ah u dhacay ayaa waxa uu ka dulqabsoomay Gaari dushiisa kaasi oo ka dhacay meel ku dhow kontaroolka Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

Shirka ayaa ka dhacay gaariga Madaxweynaha Puntland dushiis kaas oo ah kuwa aan xabaddu karin si looga badbaado madaafiicda heehaabeysay.

Ujeedka shirka ayaa ahaa in xal laga gaaro dagaalkii shalay ka dhacay Gaalkacyo, balse waxaa lasoo warinayaa in labada Madaxweyne iyo mas’uuliyiintii ka dhexwaday dhex dhexaadinta ay bilowga shirka isku fahmi waayen qaabka ugu haboon ee dagaalka lagu hakin lahaa iyada oo aan leysku xiran wax xujo ah.

Mudada shirka uu socday ayaa waxaa gaariga ku dhex sugnaa Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo isagu xooga saaraayay in laga gudbo is qabqabsiga iyo dib usoo rogaal celinta dagaalka.

Inta uu shirka socday ayaa waxaa laga maarmi waayay Saraakiisha kala hogaamineyso labada ciidan ee is horfadhisa oo laga soo qeybgaliyay shirka waxaana lagu amray inay hakiyaan xabadaha ay ridayaan ciidamada iyaga ka amarqaata.

Saraakiisha labada ciidan kala hogaamineysay ayaa sheegay in dhankooda aysan ka ridi doonin wax rasaas ah, waxa ayna cod sadeen in laga raali ahaado xabadihii yaraa ee geystay waxyeelada.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa gaariga lagu dhex dhaariyay Madaxweyne C/wali Gaas iyo C/kariin Gulleed iyo labada Sargaal ee kala hogaamineysay Ciidamada labada maamul.

Ugu danbeyntii labada dhinac waxa ay isla garteen in Khasaaraha dagaalkii shalay uu kala gaaray 50 dhaawac iyo 13 oo dhimasho ah.
gaariga 1

gaariga 2

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com