Odawaa oo xog ka baxshay qorshaha Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – DFS ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay dagaalada kasoo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Mudug.

Mas’uuliyiinta dagaalka sida adag uga hadashay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen ”Odawaa”, oo sheegay in DFS ay aad uga xun tahay dagaalka ay dib usoo celiyeen maamulada Galmudug iyo Puntland.

Wasiir Odawaa waxa uu saxaafada ka cadeeyay in dagaalka Gaalkacyo uu yahay mid xaaran ah islamarkaana uu u dhacay qaab khalad farsamo ah.

Wasiirka, ayaa sheegay in dagaalka uu Saakay yahay mid joogsaday, islamarkaana uu weli taagan yahay heshiiskii doraad lagu saxiixay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Waxa uu sheegay in ay isku keeneen Madaxda Galmudug iyo Puntland, C/kariin Xuseen Guuleed iyo C/weli Maxamed Cali Gaas, islamarkaana ay booqdeen goobihii uu dagaalku ka dhacay.

Odawaa oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda Puntland iyo Galmudug ay ballanqaaden dhaqangelinta heshiiskii ay labada dhinacba ku saxiixeen Garoonka Gaalkacyo, balse isfahan xumi dhexmartay labada ciidan ay sababtay in dagaalka uu dib usoo laabto.

Maanta ayuu sheegay in qorshaha uu yahay in la kala qaado labada ciidan, iyadoo laga duulaayo dhaqangelinta heshiiskaasi.

Dhanka kale, Dagaalkii ayaa ku soo beegmayaa, iyadoo dadka reer Gaalkacyo ay bilaabeen in guryahooda ku soo noqdaan, ayna soo dhaweeyeen heshiiskii shalay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com