Xog: Xasan iyo Guuleed oo ka hadlay Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud uu khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xusein Gulleed.

Madaxweyne Xassan ayaa C/kariin Gulleed kala hadlay Dagaalka iyo colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo, isaga oo ka codsaday in Ciidamada maamulkiisa uu kala hadlo hubka culus oo ay u adeegsanayaan goobaha ay shacabka ku noolyihiin.

Xassan ayaa sidoo kale Gulleed usoo bandhigay arrakti la xiriirta in Ciidamada maamulkiisa uu dib uga saaro jiida dagaalka uu ka taagan yahay waxa uuna u sheegay in dhowr KM ay dib uga soo baxaan jiidaasi, inta laga qafiifinaayo colaada sii cuslaaneysa.

Sidoo kale, Madaxweyne Gulleed ayaa Xassan Sheekh u sheegay in dhankiisa uu diyaar yahay islamarkaana uu u bisil yahay inuu u hogaansamo nabada iyo dib usoo celinta xasiloonida Gaalkacyo, balse waxa uu caga jiid ka muujiyay in Ciidamada Galmudug ay dib uga soo baxaan Jiida dagaalka Gaalkacyo.

Gulleed waxa uu sheegay in ciidamadiisa oo ku sugan Jiida ay suuragal tahay in xal laga gaaro Colaada, waxa uuna beeniyay wararka Puntland ay ka baahisay kaasi oo ah in Ciidamada Galmudug ay dagaalka bilaaben.

Madaxweyne Xassan iyo C/kariin Gulleed ayaa isku waafaqay in si KMG ah loo hakiyo dagaalka inta ay dib isaga arki doonaan Odayaasha labada dhinac.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan ayaa isagu doonaayo in laga gudbo colaada xiligaani kusii fogaaneysa labada maamul, inkastoo maamulka Puntland uu si cad u qaadacay Heshiiskii la kala saxiixday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com