Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa caawa deggan ka dib dagaal xooggan oo maanta dib uga billawday magaaladaasi.

Dadaal ay sameysay xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu guuleystay in lagu damiyo dagaalkii maanta, ka dib saacado badan oo ay dagaallameen ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Furunta hore ee dagaalka ayaa gabal dhacii maanta waxaa la geeyay madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed, halkaasi oo Kitaab lagu mariyay inay dagaalka joojiyaan, dibna aanay xabad u billaaban.

Waxaa halkaasi goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Wasiirka Arrimha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa iyo xubno kale.

Caawa lama maqlayo rasaas ka dhacaysa magaalada Gaalkacyo, waxaana weli socda dadaallo nabadda lagu soo xoojinayo.

Dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa aad uga cuslaa dagaalladii 22-kii bishii hore iyo 28-kii bishaas ka dhacay Magaaladaasi.

Xaafado badan oo ka mid ah Gaalkacyo waxaa ku dhacay madaafiic burbur hantiyeed geystay.

Dhinaca kale weli lama shaacin khasaaraha guud ee dhimashada iyo dhaawaca dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com