Ciidamo lagu laayey dagaal ka dhacay Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xoogan ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, xili madaxda maamulkaasi ay ka maqan yihiin magaalada.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay bartamaha magaalada Kismaayo waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka ay ku dhinteen ilaa 4 ruux, halka dhaawacana uu gaaray 3.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegtay in Saddex ka mid ah dadka dhintay ay ahaayen dad rayid ah, waxaana dadka dhintay ku jira dad barakacayaal ah oo ku noolaa xerada dalxiiska ee magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa imaaday kadib markii ciidamo ka tirsan Booliska Kismaayo ay duulaan ku qaaden guri maalmahaani danbe uu ka taagnaa muran xoogan.

Guriga ay weerarka ku qaaden ayaa waxaa wakhtigaasi ku sugnaa ciidamo kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland, waxaana sidaa ku bilowday dagaal dhowr saac qaatay oo ay ku kala safteen Ciidamada Maamulka.

Inta badan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhaca dagaalo ku saleysan boob dhuleed iyo kuwo aano ah, waxa uuna dagaalkaani qeyb ka yahay dagaalo noocaasi ah oo inta badan kusoo laalaabta Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com