Khasaaraha dagaalka Gaalkacyo oo sii kordhay!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xooggan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa maanta dib ugu qarxay magaalada Gaalkacyo, kaasoo u dhaxeeya ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa la xaqiijiyay in ilaa iyo hadda ay ku geeriyooden Ilaa 14 qof, halka 20 kalana ay ku dhaawacantay waxa ayna dadka dhintay u badan yihiin rayid.

Dagaalka, ayaa waxa uu ahaa mid ku bilowday madaafiic laga soo riday mid ka mid ah labada dhinac, iyadoo dhinacii kalana uu jawaab ka bixiyay, taasoo sababtay in dagaal toos ah uu ku dhex maro Gaalkacyo.

Dagaalkan, ayaa saamayn weyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqii guud ee Magaalada, waxaa kaloo uu saamayn ku yeeshay dadkii rayidka ahaa, ee maalmahaanba dib ugu soo laabanaayay Magaaladaasi.

Cabdirashiid Xaashi Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Galmudug ayaa sheegaya in xasuuq dhacay, ciidamada Puntland ay soo galeen gudaha meelaha ay ka taliyaan, waxaana uu dagaalka ku eedeeyey Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo waraysi siiyey VOA ayaa sheegay in aysan garanayn qaab dagaalku ku bilowdey maadaama uu ahaa guddiga xabbad joojinta qolo kasta markii aan la hadalney waxay noo sheegeen ayuu yiri in xabbad ku socoto, kadibna waxaa faraha ka baxay dagaalka ayuu yiri.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in ciidamada Puntland aysan ka qayb-qaadan dagaalka oo ay yihiin waxa dagaalada shacab iyo malayshiyaad, labada dhan ah, waxaana uu sheegay inta xabbadu dhacayso in aan waxba la qaban karin ilaa ay istaagto.

Wafdigii ku howlanaa dhameynta colaada sida Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Jubbaland, Koofur Galbeed iyo xubno ka socday Beesha Caalamka ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, waxaana la sheegay inay isu diyaarinayeen inay ka ambabaxaan magaalada.

Xaalada ayaa wali ah mid isku cakiran, waxaana dhacaaya rasaas goosgoos ah oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan, iyadoona inta badan Gaalkacyo ay Caawa tahay mid leyr la’aan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com