Arag sawirrada khasaaraha dagaalka Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa kuwaramaya in madaafiic culus lagu qaraacay waqooyiga Gaalkacyo oo katirsan maamulka Puntland.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Galmudug ay madaafiic hoobiyaal ah dukun-daakun uga dhigeen xaafada Israac ee waqooyiga Gaalkacyo.

Wararku waxay intaas ku darayaan in madaafiicdan waxyeelo gaadhsiiyay guryo dhoqr ah oo kuyaala xaafada Israac ee magaalada Gaalkacyo.

Goobaha madaafiicdan ku dhacday waxaa kamid ah Hotel Shaariqa,Masjidka Dulqarnayn,xarunta shirkada Amal,xarunta PDRC iyo xafiiska idaacada Gaalkacyo.

Puntland ayaa goordhow Ciidamo geysay Jiida dagaalka dhanka ay iyada ka arimiso, waxaana hadda Gaalkacyo ka socda Barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka deegaanka oo ka cabsanaaya in Caawa lagu dul dagaalamo.
Soocade1

Soocade2

Soocade3

Soocade4

Soocade5

Soocade6

Soocade7

Soocade8