GALMUDUG iyo Puntland oo hanjabaado hor leh hawada isku mariyay iyo GAALKACYO oo qasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqeymo iyo dagaal is barbar socda ayaa waxa uu wali ka socdaa magaalada Gaalkacyo waxaana siyaabo kala duwan uga kala hadlay duqeymahaasi maamulada Galmudug iyo Puntland.

Maxamuud Aadan Cusmaan Wasiirka Warfaafinta Galmudug oo goordhow la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka ka socda Gaalkacyo uu yahay mid lagu soo qaaday maamulka Galmudug.

Maxamuud Aadan waxa uu dagaalka hadda socda cadeeyay inay bilaabeen Ciidamo ka tirsan maamulka C/wali Gaas oo rasaas ku huwiyay ciidamo kale oo Galmudug taabacsanaa, sidaana uu dagaalka ku bilowday.

Waxa uu sheegay in qorshaha dagaalka uu yahay mid ay Puntland ku carqaladeyneyso hanaanka Hiigsiga 2016, waxa uuna tilmaamay in Puntland ay kasoo talaabeyso xadkeeda, haddii ay caga dhigan weysana ay mudnaanteeda siin doonto.

Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay in Puntland ay iyada bilowday duqeynta ay cadeyn u tahay Madaafiicda ku hoobaneyso qeybo kamid ah deegaanada Galmudug.

Khasaaro badan ayuu sheegay in madaafiicda ay soo rideyso Puntland u geysaneyso shacabka ku nool deegaanada ay Galmudug ka arimiso.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soo Cadde ayaa dhankiisa ka sheegay in Puntland ay aad uga xun tahay burburinta Galmudug ay burburisay heshiiska shalay la wada-saxiixday.

Waxa uu Soo cadde sheegay in dagaalka ay bilowday Galmudug, waxa uuna ku hanjabay in Puntland ay ka bixineyso jawaabo degdeg ah.

”Dagaalka waa nalagu soo qaaday haddii Galmudug ay ka weecatay heshiiskii la kala saxiixday hade Puntland waxaa ku waajibtay inay iska celiso iskana difaacdo weerarada kaga imaanaya Galmudug”

Waxa uu sheegay in dagaalka hadda socda uu yahay mid lagu burburiyay heshiiskii shalay la gaaray waxaana uu sheegay in Galmudug aysan raali ka ahayn arinka Gaalkacyo & 4 qodob ee shalay la saxiixay.

”Dawladda Puntland waxay difaacaysaa dhammaan shacabkeeda waxaana shegeynaa inaan gacan ku wadno qoriga gacana Nabada cid walba oo nabad wadana waa soo dhawayneynaa ”.

[su_audio url=”http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2015/12/Dawlad-Puntland-.mp3″]

Geesta kale, Waxaan weli ka hadlin dagaalka guddiyaddii dhex-dhexaadinta oo hadda ku mashquulsan in ay joojiyaan dagaalka cusub ee faraha ka sii baxay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com