Sawiro: Gabar weriye ahayd oo lagu dilay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo gaariga loogu xiray mid kamid aheyd Weriyayaasha Idaacada Dowlada.

Qaraxa ayaa waxaa lagu xiray gaari ay wadatay Hinda Xaaji Maxamed, gaarigaasi oo ah nooca raaxada.

Hinda Xaaji oo u geeriyootay dhaawaca soo gaaray ayaa waxaa lasoo warinayaa in Qaraxa uu ka kala jaray lug iyo gacan is dhaaf ah, kaasi oo sababay in Hinda ay u dhimato dhiigbax.

Goobjooge ayaa soo sheegaya in dhaawaca Hinda uu markii hore ahaa mid culus islamarkaana ay hadda ku geeriyootay Isbitaal Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa waxaa la sheegayaa inay kasoo qaadatay mid kamid ah shaqaalaha Wasaarada warfaafinta gaar ahaan kuwa ka howlgala Idaacada Muqdisho, waxa ayna laamaha amaanka isweydiinayaan in Qaraxa uu ahaa mid loogu soo diyaariyay iyo inuu ahaa mid goobo kale loogu soo xiray.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda loo qabtay Qaraxaasi.

11

22

33
Hinda
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com