Xasan Sheekh “Hadii aniga leyla tashan lahaa ma dhaceen waxa hadda dhacay ee lala yaabay”..!!

Muqdisho(Caasimada Online):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ka hadlay dagaalkii ka dhexeeyay maamulada Galmudug iyo Puntland.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Colaada labada maamul ka dhexeysay ay ka fogeyd dhul iyo dhismo laami, waxa uuna colaadaasi ku qeexay mid ka dhalatay aqoonsiga Galmudug iyo Yagleelideeda.

Madaxweyne Xassan waxa uu Tilmaamay in Colaada ay bilaabatay tan iyo markii ay DFS bilowday dadaaladii lagu dhisaayay Galmudug, waxa uuna sheegay inuu mudnaa in lagala tashto sida uu wax u rabo iyo sida ay maamulada kale wax u fasirteen.

Waxa uu Xassan Sheekh hoosta ka xariiqay in marnaba uusan aqbali doonin maamul ku duula maamul kale, waxa uuna cadeeyay in Colaada labada maamul aysan aheyn mid salka ku heysa Siyaasad balse ay la xiriirto arrimo kale.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan waxa uu soo dhaweeyay natiijada ka dhalatay socdaalkii Ra’isul wasaare Cumar iyo wafdigiisa ay xalka ku kala dhex dhigeen labada maamul Galmudug iyo Puntland.

Waxa uu sheegay in Galmudug iyo Puntland ay kula xisaabtami doonaan qodobada lagu heshiiyay, waxa uuna dhanka kale kadigay in la burburiyo qodobadaasi la kala saxiixday.

“Waan soo dhaweynayaa heshiiskan taariikhiga ah ee Gaalkacyo lagu saxiixay. Wuxuu heshiiskan ka tarjumayaa biseylka siyaasadeed ee shacabka iyo siyaasiyiinta ee dhinaca horumarka iyo nabadda, balse waxaan ka digeynaa oo mar kale ka digeynaa in la burburiyo heshiiskaasi’’.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in khilaaf kasta oo dhaca uu ku qurux badan yahay in wadahadal lagu xaliyo, Soomaaliyana ay ka gudubtay xilligii qoriga wax lagu xallin lahaa.

Docda kale, Madaxweyne Xassan ayaa mahad gaar ah u jeediyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali iyo Mas’uuliyiintii kale ee kala qayb qaadatay dadaalkii nabadeed ee maalmahan laga waday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com