Puntland oo dhabjisay heshiiskii Gaalkacyo lagu kala saxiixday iyo arrin cusub oo soo korortay.!!

Muqdisho (Caasimada Online – Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soo Cadde, ayaa goordhow sheegay in maamulka Puntland uusan aqoonsaneyn maamulka Galmudug.

Wasiirka waxa uu sheegay in heshiiskii shalay ka dhacay garoonka C/llahi Yuusuf uusan micnuhu aheyn in Puntland ay aqoonsan tahay Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in Puntland aysan gogol la fadhiisan doonin Galmudug, balse ay u hogaansami doonto qodobadii shalay la kala saxiixday.

Inkastoo Puntland ay sheegayso inaysan aqoonsaneyn Maamulka Galmudug, ayaa hadana Maamulkaasi waxa uu yahay mid aqoonsi rasmi ah ka haysta Dowladda Dhexe ee Somalia.

Isaga oo la hadlaayay warbaahinta ayuu yiri ”Puntland wali masoo saarin mawqifkeeda aqoonsi & cidaas ayaa Galmudug ah anagu waxaan mar walba u hor fariisanay in arinka Gaalkacyo wax laga qabto taasna ma’ahan aqoonsi”.

Sidoo kale, waxa uu sheegay sababta Guuleed iyo Gaas ay shir isugu yimaadeen ay tahay keliya Nabadda Degmada Galkacyo.

Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa ka careysan Dhismaha Maamulka Galmudug, xilli labadan maamul ay yihiin kuwa jaar ah, waxaana laga cabsi qabaa in Puntland ay sii dhabjiso heshiiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com