Dhageyso ONLF: DF waxa ay dooneysay Qalbi Dhagax in xabsiga lagu sii hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka ONLF ayaa beeniyey hadal maalintii sabtida uu sheegay safirika Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaluddiin Mustafa Cumar oo ahaa in Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax lagu sii daayey codsi ka yimid dawladda Soomaaliya.

Afhayeenka ururka ONLF Caddaani Hirmooge oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn sii daynta Qalbi-Dhagax.

Hirmooge ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahayd tii markii hore Qalbi-Dhagax u gacan gelisay Ethiopia, islamarkaana aysan jirin sabab ay iminka kusii dayso.

Waxa uu sheegay inay dayso iska daayee, in dowladda Soomaaliya ay isku dayaysay inay Qalbi-Dhagax lagu sii hayo xabsiga, illaa inta ay ku guuleysaneyso in la sheego in ayada ay sii daysay.

Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in odayaasha beesha Qalbi-Dhagax iyo Axmed Madoobe ay dadaal xooggan u galeen in lasii daayo Qalbi-Dhagax.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin sii daynta Cabdikariim Qalbi Dhagax. Jacfar Kuukaay, oo ka tirsan VOA ayaa wareystay Caddaani Hirmooge.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com