Dhageyso: ONLF oo war cad kasoo saartay go’aanka ABIY ee qoondada shidaalka

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay arrinta qoondada dadka deegaanka Soomaalida ay ka helayaan shidaalka laga soo saaray deegaankaas.

Dr Abiy oo dad badan kula hadlayay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida ay heli doonaan qoondadooda isla markaana aysan kusoo dhici doonin meel cidlo ah.

Abiy Axmed, waxa uu sheegay in dadka ku nool deegaanka soomaalida in ka badan 5 goobood looga helay shidaal waxa uuna yiri “Arrinta meesha taagan ma aha inaan ku faanno anigu shidaal ban helay, anigu bun ban leeyahay anigu biyaan leeyahay ee muhiimaddu waxaa weeyey sideen kheyraadkaasi meel isugu geeyna oo aan uga wada faa’ideysanna”.

“Sharci waxaa jira federaalka oo dhigaya in shidaal haddii uu soo boxo, ama xitaa kheyraad kale in deegaanka uu leeyahay boqolkiiba 40%, federaalkuna wuxuu leeyahay 60%, midda federaalka lafteeda ayaan wax ku leenahay” .

Abiy waxa uu kaga tagay jawaab hadal heyn iyo xasaasiyad badan dhalisay oo uu ka bixiyay qoondada shidaalka laga helay dhulka Soomaalida Ethiopia oo uu sheegay inay 5% ku yeelanayaan.

Afhayeenka ururkaas Cadaani Hirmooge oo u waramaayay VOA, ayaa sheegay inay wali ku jiraan gumeysi isla markaana aan la qaadan Karin in Soomaalida lagu maamulo hantidooda.

Waxa uu Afhayeenaka sheegay in khaladaad dhanka Dastuurka Ethiopia uu jiro kuwaa oo u baahan in dib loo sax si loo helo qoondo wanaagsan oo ay yeelan doonaan Soomalida maadaama uu jiro sharci awood qeybsi oo qudhiisa aan si xaqiiq ah loogu shaqeyn.

Waxa uu Afhayeenka sheegay inaanu jirin cid ku heshiisay inay dal qura la noqdaan Ethiopia, waxa uuna meesha ka saaray in loo dhamaa heshiiska ay Soomaalida kula midowday Ethiopia.

Waxa uu sheegay inay aad uga soo horjeedan haddalka Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ee qoondada Soomaalida, waxa uuna cadeeyay inaanu jirin sharci lagu soo saaray shidaalka.

Afhayeenka ururkaas Cadaani Hirmooge, waxa uu sheegay in shidaalka iyo wixii hanta ee laga soo saro dhulka Soomaalida ay 100% tahay mid ay leeyihiin Soomaalida, cidna aanu la qeebsan Karin.

Sidoo kale, waxa uu Afhayeenka sheegay in awood qeybsi uu imaan karo marka ay wadahadal lagu xaliyo tabashooyinka Soomaalida oo ay mataleyso ONLF, inta ka horeysana aysan aqbali doonin haddalka kasoo yeeray Abiy Axmed.

Hadalka Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa kusoo beegmaaya iyadoo Ururka ONLF sanadii 2007-dii ay weerar u geysteen shaqaale Shiinaha u dhashay oo shidaal ka baarayay dhulka Somalida Ethiopia.