Dhageyso: Puntland oo R/W Cabdi Weli Sheekh AXMED ku tiri hadal yaab leh

Garoowe (Caasimada Online) – Maaulka  Puntland ayaa u sheegay ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Weli Sheekh Maxamuud in wada-hadallada Somaliland iyo dowladda faderaalka ay yihiin kuwa qabiil, sababta oo ah bay tiri “Lagama qeyb galin Puntland”.

Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji (Camay) oo ah madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay munaasabad xalay ka dhacday xarunta madaxtooyada oo loo qabtay wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa tilmaamay inay lama huran-tahay in Puntland ay ka qeyb gasho wada-hadalada faderaalka iyo Somaliland.

“Haddii an la ballaarin wada-hadallada Somaliland iyo dowladda faderaaka waxay u ekaanaysa shir beeled, shir qabiil, shirka waa shir danaha ummadda Soomaaliyeed looga hadalayo, waa shir aan looga marmiin Puntland inay ka qayb-gasho,” ayuu yiri Camey.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa si toos ah ugu sheegay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya inay doonayan ka qayb-galka wada-hadallada Somaliland iyo dowladda faderaalka.

Camay ayaa xusay inay muhiim-tahay in Puntland inay wax ka ogaato danaha Soomaaliya, waxuuna qodobkaas ku sheegay inay ka mid tahay tabashada Puntland ee dhinaca faderaalka.

Hoos ka dhagayso hadalka Camey

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com