Siyaasiyiinta BAAY oo loo hanjabay !!!

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in Guddiga amniga gobolka Baay uu digniin adag u diray qaar ka mid ah dhinacyada Siyaasada isku haya ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Warkaani ayaa ka danbeeyay kadib markii Maamulka uu Hoggaamiyo Madoobe Nuunow uu ku dhawaaqay inay doorteen maamul cusub oo uu yeelanayo gobolka Baay iyo magaalada Baydhabo.

Guddiga ammaanka oo walaac ka muujiyay in Ammaanka uu faraha ka baxaayo, ayaa waxa uu Siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada uga digay inay qalqal galiyaan Ammaanka Magaalada Baydhabo, waxa uuna gudiga ku hanjabay inuu Jeelka dhigi doono Siyaasigii isku dayo inuu Abaabulo Ololo Siyaasadeed.

Haddalka Guddiga Amniga ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo mudooyinkaani Magaalada Baydhabo ay xarun u ahayd labo maamul oo is barbar socda kuwaas oo mid walba ku adkeysanaya in uu yahay maamulka saxda ah.

Dhanka kale, Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa iyana lagu eedeynayaa inay si dadban ula safaneyso mid kamid ah labadaasi maamul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com