Xasan Sh. oo ku socda dalka Yurub ah oo uusan horey u tagin iyo qorshihiisa

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya Villa Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu maalinta isniinta ah ku wajahan yahay Magaalada Paris ee dalka France.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Socdaalka Madaxweynaha uu ku gaarayo dalka France uu yahay mid lagu xoojinaayo xiriirka labada dal, waxa uuna Casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Farance.

Wafdiga Madaxweynaha ku wehelin doona Magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Gaashandhigga iyo Arrimaha Dibadda Gen Maxamed Sheekh iyo C/raxmaan Beyle.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynha uu la Kulmi doonaa Madaxda Shirkadda TOTAL ooo hore Dowladda ugu Saxiidey in ay Shidaal ka baarto Gobollada Jubbooyinka, islamarkaana dooneysa inay ku dhaqaaqdo qorshaheeda.

Waxa ay noqon doontaa socdaalkii ugu horreeyey oo madaxweynaha uu ku tago France.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com