Wasiirka gaashandhigga oo loo haysto arrin uu sameeyey oo laga war-helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ku dhow Xafiiska ra’iisul wasaare Cabdi Weli, ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha dalka uu ku dhagan yahay wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Somalia Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Ilo-wareed-yada ayaa xaqiijinaaya in Wasiirka loo heysto Hub iyo gaadiid gaaraya ilaa 5, oo sida la sheegay uu ugu deeqay maleeshiyaad ka howl-gala gobolka Shabellaha hoose.

Wararku waxa ay sheegayaan in wasiirku uu arrintaasi iska fogeeyay, balse uu Ra’isul wasaaraha dalka uu u xil saaray koox arrintaas soo baarta iyo sababta keentay in Hubka iyo gaadiidka laga saaray gacanta DF, loo gudbiyo Maleeshiyo beeleed gobolka Shabellaha hoose ka qowleysato.

Arrintaani ayaa la sheegayaa inay soo laa labatay, iyadoona uu kiiska intaa kasii badan yahay, oo ay sidoo kale jiraan saraakiil ciidan, oo iyagana lagu haysto hub ay qaateen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com