Shirkii Cadaado oo burbur halis u ah + Ergooyin la ceyriyey & DF oo carootay

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Khilaaf uu ka dhashay qaabka loo dhisaayo Maamulka Gobolada Dhexe ee Dalka Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in Khilaafka uu yahay mid xoogiisa u dhexeeya Madaxda Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud, Gudiyada Farsamada iyo kan Dardargalinta Xukumadda Soomaaliya ay Magacowday, kuwaasi uu ujeedkoodu uu yahay in ay soo dhisaan Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Mahad Salaad oo ah Mas’uulka hogaaminaaya Gudiga, ayaa waxa uu qaadacay in shaqsi ka tirsan gudiga uusan ka qeybqaadan doonin shirka ka dhacaaya Cadaado, waxa uuna diiday in isaga iyo gudigiisa ay Cadaado tagaan.

Mahad Salaad, ayaa sheegay in Shirka Maamul u sameeynta lagu qaban doono Gurceel iyo Dhuusamareeb mid kood.

Madaxweynayaasha Ximin iyo xeeb iyo Galmudug, ayaa iyaguna qaadacay inay ka qeybqaatan shirka waa haddii uusan ka dhicin Magaalada Cadaado, waxa ayna ku goodiyeen inay faragalin ku sameyn doonaan shirka.

Dhanka kale, wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo xeeb Baarleex uu kala diray Ergooyin hor dhac ahaa oo ku sugnaa Magaalada Cadaado, iyadoona la tilmaamay in Ergooyinkaasi banaanka looga saaray Hoteelo laga dajiyay Magaalada, taasi oo qeyb ka ah carqaladeynta ay ku goodiyeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb.

Ergooyinka laga saaray Hoteelada ayaa gaaraya ilaa 9 kuwaasi oo dib ugu laabtay gobolada ay ka imaadeen, iyadoona Shan kamid ah ay dib ugu laabteen Gurceel iyo Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com