XOG: SHARIIF Xasan Sheekh Aadan oo ganacsi nooc cusub ah ka billaabay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Somalia Shariif Xassan Sheikh Aadan uu Magaalada Baydhabo ka sameystay Ganacsi cusub.

Wararku waxa ay sheegayaan in Shariif Xassan Sheikh Aadan uu booyado ka iibsaday Magaalada Baydhaba, waxaana la tilmaamayaa in booyadahaasi oo kor u dhaafayaan 7, ay biyaha qaadaan, islamarkaana ka shaqeeyaan goobaha ay biya la’aanta ka taagan tahay.

Wararka ayaa intaa kusii daraaya in booyadahaasi ay gacanta ku hayaan dhalinyaro uu Adeer u yahay isla markaana ay maalintii soo xareeyaan lacago badan, sida ay sheegeen dad Baydhaba ku sugan.

”Magaalada Baydhaba waxaa ka shaqeeya ilaa iyo 7 booyadood ee uu leeyahay guddoomiyihii hore baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa ayna qaadan booyadahaasi biyaha nadiifka ah iyaga oo geeya biyahaasi deegaanada biya la’aanta ay kajirto oo ay ku dhaqanyihiin dadka gobolka u dhashay” Sidaa waxaa yiri mid kamid ah dhalinyarada ku dhaqan Baydhaba.

Ugu danbeyntii ganacsiga uu wado Shariif Xassan ayaa kusoo beegmaya xili laga cabsi qabo in Abaaro xoogan ka jiraan gobollada Koonfureed ee dalka.

Shariif Xasan ayaa horey u ahaa ganacsade dalka Soomaaliya keena jaadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com