Puntland oo beesha MUDULLOOD ku casuumaysa shir ballaaran + Qorshaha

Garoowe (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ka helnay Siyaasiyiin xiriir wanaagsan la leh Puntland iyo Dowladda Federaalka Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu qorsheeyay martiqaad uu u fidiyo Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Oday dhaqameedyada kasoo jeeda beesha Mudullood.

Ujeedka Cabdi Weli, oo sidoo kale ay beeshiisa la wadaagto ayaa ah, in labada dhinac ay ka wada hadlaan wax lagu sheegay “Dib usoo nooleynta xiriir soo jireen ah oo ay labada dhinac saaxiib dhow ku ahaan jireen”.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in casuumaadaan uu ku lug leeyahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG xiligii Cabdullaahi Yuusuf AUN ee Cali Maxamed Geddi oo Madaxweynaha Puntland uu usoo maray qorshahan cusub.

Cabdiweli Gaas ayaa doonaya in gaashaanbuur xoogan uu la yeesha beesha Mudullood, maadaama xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland uu mudooyinkii u danbeeyay ahaa mid xun, waxayna taasi keentay in Gaas uu arinta xalinteeda ka doono beesha Mudullood oo awood qeybsiga nidaamka dowliga ah ku fadhido kursiga ugu sareeya ee dalka.

Ilo ku dhow Gaas ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in xiriirka beelaha Majeerteen iyo Mudullood uusan xumeyn karin hal shaqsi, oo ah Xasan Sheekh, oo ku eedeeyey siyaasado uu ku cadaaweynayo Puntland, sidaa darteedna ay la hadlayaan waxgaradka Mudullood.

Lama oga in waxgaradka, siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada ay aqbaleen casuumaadaan oo aan la ogeyn xiliga rasmiga ah ee ay ku beegan tahay, waxaase iminka Garoowe loo fadhiyaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafkaan iyo muranka siyaasadeed ee Federaalka iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe 
Caasimada@live.com