Xog: Axmed Madoobe iyo Saraakiisha Ciidamada Kenyan-ka oo kala booday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in muran uu ka dhex aloolsan yahay Madaxweynaha Maamulka ku-meelgaarka ah ee Jubba Axmed Madoobe iyo Saraakiisha Ciidamada kenya ee jooga Magaalada Kismaayo.

Muranka ayaa la sheegayaa inuu ka bilowday kadib markii ay Saraakiisha iyo Ciidamada Kenya jabiyeen Amar ahaa in faa’iidooyinka kasoo baxa Dekada Kismaayo si siman loo kala qeybsado.

Saraakiisha Kenya, ayaa jabiyay Amarka Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe, waxaana la sheegayaa in ku dhawaad lacagtii kasoo baxeysay Afar bil Dekada ay Saraakiisha Kenya jeebka ku shubanayeen, iyadoona aan weli lacagtaasi wax laga siin Maamulka Jubba.

Saraakiisha Jubba ayaa iyagu u madax-banaan dhaqaalaha kasoo baxa Dekada Kismaayo, waxaana la Tilmaamayaa in qeyb kamid ah dhaqaalahaasi ku shubaan san-duuqa dhaqaalaha wasaarada Gaashandhiga Kenya, halka inta kalane lagu taakuleeyo Ciidamada Kenya ka jooga Kismaayo.

Dhanka kale, Arrintaani ayaa ah mid aysan wax kala socon Dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxa ayna noqoneysaa Hanti dayacan oo ay iska indha tireyso DFS.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com