R/W Cabdi Weli oo Puntland u sheegay arrin in badan lagala ganbanaayay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo ku sugan Magaalada Garoowe, ayaa waxa uu sheegay in Dowladiisu aysan qaadan doonin Siyaasada ah in la kala qaad-qaado Soomaalida.

Waxa uu sheegay in aysan jirin xuduud u dhaxeysa Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, waxa uuna Cadeeyay in Muwaadin u dhashay dalka uu xil ka qaban karo Deegaanada Puntland, halka kuwa Puntland kasoo jeedana ay xil kaasi lamid ah ka qaban karaan Muqdisho.

Ra’isulwasaare C/weli waxa uu sidoo kale, sheegay in mas’uuliyiinta ka soo jeeda Deegaanada Puntland ay xilal kala duwan iminka ka hayaan Dowlada Soomaaliya, wuxuuna farta ku fiiqay in meesha ay ka maran tahay kaalinta Maamulka Puntland ay xil ugu magacaabi laheyd Siyaasiyiinta kasoo kala jeeda Gobolada dalka.

Dhanka kale, Ra’isulwasaare C/weli ayaa xusay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto midnimada Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana la mudeeyo Maamulada oo idil.

Haddalka Ra’isulwasaaraha ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili maalinimadii Shalay uu si rasmi ah u furay shirka wada hadalka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland oo saddex maalmood ka soconaaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com