Dhageyso: Puntland oo ciidamo geysay xuduuda Galmudug iyo xiisad cusub oo laga cabsi qabo.!!

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan maamulkaasi oo la geeyay xuduuda ay wadaagaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Ciidamada maamulka Puntland ee la geeyay dhanka xuduuda ay la wadaagaan Galmudug ayaa la sheegay iney adkeyn doonaan amaanka xuduuda labada maamul u dhaxeyso.

In ciidamo la geeyo deegaanada dhanka xuduuda Galmudug iyo Puntland ayaa ka dambeysay markii Puntland ay bilowday qodida ceel biyood laga hergilanyo xuduuda labada maamul.

Axmed Muuse Nuur, wuxuu sheegay in ciidamadaasi xuduuda ay ilaalin doonaan ayna ka hortagi doonaan ciidamada galmudug iyo dadka deegaanada Galmudug kasoo jeeda ee diidan qodida ceel biyoodka.

Maamulka Galmudug weli kama aysan jawaabin arrintan, hase yeeshee warar lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan inay u arkaan tallaabo xiisad abuuri karta.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com