28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

DHAGEYSO: Puntland oo dhaqaalo ku bixinaysa hurinta dagaalka G/DHEXE !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Degmooyin ka mid ah Gobalka Gal-Gaduud waxaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidamo ka kala tirsan dowladda Federaalka iyo Ahlu-sunna, kaasi oo sababay Khasaare Dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Inkastoo weli aan wax xal ah laga gaarin dagaaladaan, waxaa hadana Aqoonyahan lagu magacaabo Mustaf Nuur Guuleed kana soo jeeda Gal-mudug uu Dagaalka Gobolada Dhexe ka socda ku eedeeyay in maamulka Puntland ay sii hurinayaan.

Wareysi uu siiyay idaacadda Goobjoog ee magaalada Muqdisho, ayuu ku sheegay in ogyahay dagaalka in lug ay ku leedahay Puntland, oo ay Dhaqaalane ku bixinayaan si aysan Nabad ugu noolaan Shacabka Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

“Aniga waxaan xog ogaal u ahay in dagaalkaasi dhaqaale ay ku bixinayso Puntland, taa oo ay uga jeedo in aan la furin dekada Hobyo, lana dhisin maamul loo dhan yahay oo ay leeyihiin Shacabka Gobolada Dhexe” ayuu yiri Mustaf Nuur Guuleed.

Dhanka kale, waxa aynu xiriir la sameenay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Puntland, si aynu wax uga weydiino eedaan loo soo jeediyay hase ahaatee waa ay ka gaabsadeen.

Halkan ka dhageyso Mustaf Nuur

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News