Gaalkacyo (Caasimada Online) –Maamulka goboleedka Puntland ayaa ka hadlay dil xalay duleedka magaalada Gaalkacyo loogu geystay labo qof oo shacab ah, xili ay kusii jeedeen deegaanka Bacaad Weyn.
Taliyaha ciidamada booliska gobolka Mudug ee Puntland Aadan Nuur Qaal ayaa sheegay in koox hubeysan oo gaarayay 14 qof ay xalay aileen labadaasi qof, isla markaana gubeen gaarigii ay ku socdeen.
Aadan Qaal ayaa sheegay in raggaasi ay markii falkaasi geysteen galeen dhinaca Galmudug, isla markaana maamulka jaarka ay yihiin ka war qabaan, wuxuuna ugu baaqay in ay kusoo wareejiyaan maadaama iyaga ay markii hore kusoo war geliyeen raggaasi oo jufo hoosaadkooda la yaqaan waa sida uu hadalka u yiri.
Taliye Qaal ayaa ku hanjabay haddii aan nabadda la ilaalin oo ay soo wareejin waayaan Galmudug in ay taasi carqaladeyneyso nabadda Mudug.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

