Dhageyso: PUNTLAND oo Passaport-kii Soomaaliga ku xirtay shuruud beeleed

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garoowe ka taagan dhibaato xoogan oo qaadashada passport-ka Soomaliga kala soo daristya shacabka Soomaliyeed ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya.

Dadka kasoo safara magaalooyinka, Laascanod, Boorame, Hargeisa, Burco, Ceerigaabo, Buuhoodle & dhamaan deeganakada kale ee ku xeeran ayaa ku xaniban magaalada Garoowe.

Arimaha naxdinta badna ee halkaasi ka taagan ayaa waxaa kamid ah, in qofkasta lagu xidhayo inuu sheegto inuu udhashay Garoowe ama deeganada maamulka Puntland, ama beesha gobolka uu u dhashay, taasi oo hadana dhalisay isqab qabsi iyo dhibaato kale.

HAKAN dhegayso WARAYSIGA

cabdi kariim

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com