Dhageyso: Qorshe Saacid damacsan yahay oo la diiday iyo muran taagan

Kismaayo (Caasimada Online) Qaar  ka mi d ah Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta maamulka Jubba ayaa waxay si cad uga soo hojeesteen hadal ra’iisul wasaare Saacida kasoo yeeray oo ku aadaa in dowlada Soomaaliya ay guddi u xilsaartay shir Shanta bisha soo aadan ka furmaya Muqdisho.

Ujeedka shirka oo ay dowlada Soomaaliya ku sheegtay in lagu heshiisiinayo beelaha dega gobolada jubbooyinka iyo Gedo isla markaana uu qeyb ka ahaa heshiis maamulka Jubba iyo dowladu ay kusoo wada gaareen magaalada adis ababa ee dalka Ethiopia.

Axmed Maxmed Abuukar (Axmed Ugaas) wuxuu ka mid yhay siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada jubbooyinka iyo gedo wuxuu sheegay in xilligan wax laga xumaado inay thay in dowlada Soomaaliya ay ka dhawaajiso inay sheegto in Shir-ka aayaha Jubbbooyinka iyo gado inu furmayo wajigiisii koowaad ee Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in shirkaas uu hore uga dhacay Muqdisho waxa la sugayayna uu ahaa inuu wajigiisii labaad uu ka bilowdo kismaayo balse aan la joogin meel uu shaaciyay in mar hore laga soo gudbay sida   hadalka uu u dhigay .

“Inagu muqdisho sab umeynaan tagin,aroosna kagama aynan qeyb galeen,waxaan  madaxweyneheyna u kexeynay waxay aheyd,ka qeyb galka shirka arimaha jubbooyinka iyo gedo,madaxda dowladnuna wey ogeed weyna nagu soo dhaweeyeen “ ayuu yiri Axmed Maxmed Abuukar (Axmed Ugaas)

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “ masheegin hadii dowlada ujeedkeedu uu ahaa inay kaliya muuji inaan heshiis nahay maadaama dowlada lagu cadaadiyay in dhamaan maamulada dalka ay shirka Brussels kasoo qeyb galiyaan , marka waxaan moodayaa in markii horaba aan hishiiskaas daacad laga aheyn balse shirka uun nagula tagayay “

Shanta Bisha fooda nagu soo heyso waxaa lagu wadaa in Muqdisho wajigiisa koowaad inuu ka furmo shir looga hadlayo aayaha beelaha dega gobolada Jubbooyinka iyo Gado kaas oo ay gar wadeen ka tahay dowlada Soomaaliya.

Halkaan  ka Dhageyso Codka Axmed Ugaas

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com