Sawirro iyo Video: Madaxweyne Xasan oo la kulmay Clinton, Guul & Al Thaani

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shalay kulamo gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda caalamka. Madaxweyne Xasan ayaa la kulmay Madaxweynaha Turkiga Mudane Cabdulah Guul, Amiirka Qatar H.H. Sheikh Tamiim Bin Xamad Al Thaani iyo Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Hillary Clinton, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen guud ahaan amaanka Soomaaliya iyo Caalamka.

Madaxweynaha ayaa u mahad naqay Madaxweynaha Turkiga taakulaynta aan hagarta lahayn ee shacabka iyo Dowladda Turkigu ay siiyaan Soomaaliya “Soomaaliya marnaba Iloobi mayso walaalahood Turkiga iyo siday ugu soo gurmadeen” wuxuu kaloo Madaxweynuhu dhigiisa u sheegay dhibaatooyinka Argagaxisadu ay ka wadaan Soomaaliya iyo Caalamka intiisa kale wuxuuna u sheegay baahida loo qabo in Amniga Soomaaliya kor loo qaado, si buuxdana loo  tayeeyo hay’adaha Amniga ee Soomaaliya si loo gaaro nabad waarta oo ka siman dhamaan Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Turkiga

Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka Qatar

 Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay Amiirka dowladda Qadar Amiir SH. Tamim Bin Hamad Al Thaani Wuxuuna u sheegay “Kooxaha argagixisada markii laga adkaado, waxay isku dayaan inay waxyeeleeyaan shacabka caam ahaan, Naf iyo Maal ahaanba, waxaana looga hortagi karaa dhisitaanka ciidamada xoogga dalka”

Amiirka ayaa sheegay in Dowladda Qatar aysana marnaba ka seexan doonin taageerada Soomaaliya ay u hayso, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Qatar ay sii wadi doonto la shaqaynata dowladda Soomaaliya.

xasan new 2

 Kulanka Hillary Clinton

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Hillary Clijnton, waxayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen Amniga, Waxbarashada iyo Dhaqaalaha Dalka.

Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri “Aqoonsiga dowladda Soomaaliya la aqoonsaday maanta waxaanu ku helnay taakulayn Bankiga Aduunka, Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF), Bankiga Horumarinta Afrika. Waxaanu Saxiixnay ayuu yiri madaxweynuhu Heshiiskii Cotonou. Soomaaliyana horay ayey u socotaa gadaalna eegi mayno”

Ugu danbeyn maalinta berri ah ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qudbad ka jeedin doonaa xarunta weyn ee Qaramadda Midoobay.

Isha: RBC Radio