DHAGEYSO: R/W C/WELI oo beeshiisa dhabar jebiyey (Xildhibaano qeyliyey)

Markii ugu horraysay waxaa banaanka usoo baxay khilaaf u dhexeeya xildhibaanada Beesha Sade iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, waxaana khilaafkaan uu yimid kaddib markii arrimaha siyasaadda ee ka jira gobolka Gedo ay ku kala aragti duwanaadeen.

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanadu waxay ku dhaleeceeyeen qaabka ay Xukuumaddu u wajahday arrimaha ka jira magaalada Beledxaawo isla markaana ay waxay ugu baaqeen waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee ay mataal inaysan wax talo ah ku lahayn arrimaha deegaanka ka soconaya.

Xildhibaan Muuse Shekh Cumar oo kamid ah xubnaha golaha baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Gedo oo isagoo ku hadlayay afka Xildhibaanada beesha Sade ayaa sheegay inuu albaabka ka xirtay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya kaddib markii ay dhawr jeer isku dayen inay kala hadlaan arrimaha Doolow iyo Beledxaawo.

“Waxaan halkan uga soo jeedinayaa qeybaha bulsho weynta SADE Mareexaan inaan uga jawaabo su’aal ay is weydiinayaan taas oo ah sababta ay Xildhibaanada beesha SADE ee ku jira baarlamaanka ay uga dhex muuqan waayeen wafuuda kala duwan ee ka kala yimid Kismaayo iyo Muqdisho ee u yimid gobolka Gedo xal uhelida dagaalo dhawaan ka dhacay degmada Balad-xaawo, kuwaas oo dhex maray wiilal walaalo ah oo isku ciidan ah, isku deegaan ah, isku dhiig ah oo hal cadow lahaa balse ay siyaasad iska hor keentay” ayuu yiri Xildhibaan Muuse.

Xildhibaanka oo ka hadlayay arrinta dhex martay Xildhibaanada beesha Sade iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xirtay albaabada, wuxuu diiday xitaa inuu qabto taleefoonada xildhibaanadiisa, wuxuu diiday qaabilaada iyo wada tashiga arimaha siyaasada iyo deegaanka, wuxuuna indhaha iska tirey xiisadaha ka taagan gobolka Gedo iyo doorka Xildhibaanada ay ku matalayaan shacabka ee ahaa inay iyagu garwadeen ka noqdaan xasilinta iyo nabad ku soo dabaalida deegaanada ay matalaan iyo sidii ay Xukuumada uu Ra’iisul wasaaraha kayahay ay door muhiim ah uga qaadan laheyd soo celinta nabada, dibu dhiska maamulada heer degmo iyo gobol iyo inay hay-adaha dawlada ka howlgalaan deegaanada gobolka gedo islamarkaana ay shacabka gobolka degan arkaan iskuulo iyo jaamacado, isbitaalo la dhisayo, ceelal la qodayo, arday loo qaadayo deeqo waxbarasho, askar loo dirayo koorsooyin ciidan oo dibada ah iyo dayactrika  kaabayaasha dhaqaale ee gobolka sida dhismayaasha wadooyinka burbursan iyo sare  uqaadida wax soosaarka beeraha iyo xoolaha”

Muuse Sheekh Cumar ayaa sheegay arrintaan inay ka siman yihiin Ra’iisul Wasaarayaashii beesha Sade ee muddooyinkaan soo maray balse ay tani kamid tahay dhacdooyinka u baahan in loo qeexo bulsho weynta Sade ee aragtida badan ka haysan waxna kala socon arrimaha siyaasada ee Ra’iisul Wasaare Cabdiwali.

“Waxay Xildhibaanada beesha SADE la kulmeen reysal wasaare cabdiweli labo jeer oo qura intii loo magacaabey xilka reysal wasaare, waxaana lakulaney ka hor intaysan dhicin dagaaladii balad xaawo iyo kadib labadaba waxaana ka codsanayney inuu xildhibaanada udiro gobolka gedo si aan uga gudano waajibaadkeena dastuuriga ee aan kumatalno shacabka SADE iyo deegaanadiisa haday tahay gedo, jubooyinka iyo gal-gaduud islamarkaana uga qeyb qaadano xalinta xiisadaha kajira degmada balad xaawo iyo dhisida maamulka gobolka gedo iyo degmooyinkiisa, balse wuu diiday dalabkii xildhibaanada, wuxuuna door biday inuu hawshii xildhibaanada kala tashado dad kalo oo uu ku maalgeliyay” ayuu markale yiri Muuse Sheekh Cumar.

“Waxaan doonaynaa inaan idiin cadeeyo in xildhbaanada beesha SADE aysan marnaba raali ka aheyn iska hor keenida shacabka iyo wiilashii ku wada jirey halka difaac ee gobolka gedo in laga dhex abuuro qilaaf siyaasadeed oo kusaleysan dano shaqsi.Xildhibaanada beesha SADE waxey aaminsan yihiin dhamaan wiilasha kudhintay iyo kuwa ku dhaawacmey dagaalkii balad xaawo inay ka dambeeyeen shaqsiyaad xambaarsan ujeedooyin siyaasadeed, islamarkaana lala xisaabtami doono qof kasta oo qeyb ka qaata dhibaatada shacabkiisa.Waxaan baaq nabadeed u dirayaa taageerayaasha maamulka juba, ururka ahlusuna waljameca iyo maamulka gobolka gedo gaar ahaan heer degmo iyo gobol intaba in laga wada shaqeeyo nabada, horumarka iyo wadajirka deegaanka iyo sidii gobolka gedo uga soo kaban lahaa burburka iyo dibu dhaca islamarkaana uu ula tartami lahaa gobolada kale ee dalka soomaaliya”.

Ugu danbayn Xildhibaanka ayaa sheegay inay gaari doonaan magaalada Doolow si ay uga qeyb noqdaan heshisiinta dhinacyada is haya isagoo geesta kale dhiirigeliyay baaqyada nabadeed ee wadaan dadka deegaanka iyo dawladda Ethiopia.

Waa markii ugu horraysay ee khilaaf u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed iyo Xildhibaanada beesha Sade uu banaanka usoo baxo, iyadoo dhawaan kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo dhex maray Xildhibaanada iyo Ra’iisul Wasaaraha lagu kala kacay.

Halkan ka dhageyso xildhibaanka oo wareysi siiyey k24