Muxuu yahay shirka ka socda Doolow oo ay ka qeybgalayaan DF iyo Jubba?

Doolow (Caasimada Online) – Magaalada Doolow ee gobalka Gedo waxaa maalintii labaad ka socda shir looga hadlaayo daminta colaad ka taagan degmada Buulo-xaawo, taasoo u dhexeysa maleeshiyaad kala taageersan dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay dowladda fedaraalka Soomaaliya, waxaa ka qeybgalaya ergooyinka socday labada dhinac ee dagaallamay dowladda Soomaaliya, Itoobiya iyo Ahlu Sunna.

Shirkan oo saxaafadda loo diidday ayaa la sheegay in la doonayo siddii nabad loo dhex dhigi lahaa labada dhinac ee ku dagaallamay Buulo-xaawo.

Waxaa kaloo wararka naga soo gaaraya Doolow ay sheegayaan in shirka loo diidday garab ka mid ah dhinacyadii ku dagaallamay Buulo-xaawo in kastoo wakiilo ay u joogaan.

Dhinaca maamulka Axmed Madoobe waxaa shirka u matalaya madaxweyne ku-xigeebka Gen Cabdulaahi Ismaacil Fartaag, dhinaca Ahlu Sunna Cabdi Barre Cabdi oo ah guddoomiye xigeenka gobalka iyo Sheekh Maxamed Isxaaq Al-Qaadi oo ah Afhayeenka Ahlu Sunna ee gobalka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale taliyaha ciidamada xooggan ayaa ku sugan Doolow, waxaana dhammaan ay sheegeen in loo baahan yahay in markale aysan soo laaban colaada ka taagan Buulo-xaawo taasoo khasaaro dhimmasho iyo dhaawac geesatay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com