Xog: Xasan Sh. oo la kulmay Goobe iyo Saacid iyo wax aan la fileyn oo dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa siyaabooyin kala duwan waxa uu ula kulmay Madaxda Nabad Suggida iyo Booliska, xilli la sheegay in aynaan wada shaqayn ka dhaxeen.

Madaxweynaha, ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia ku qaabilay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida ee Qaranka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), iyadoo uu ka dhageystay Warbixin ku aadan arrimaha ammaanka.

Madaxweynaha, ayaan Bashiir Goobe ku soo hadal qaadin waxyaabo ku aadan in uu is casilo, iyadoo uu ku booriyay in uu dardar-geliyo shaqada uu xilligaan uu Dowladda Soomaaliya u haayo.

Dad badan ayaa ka filayey Xasan Sheekh in kadib markii la weeraray xarunta baarlamanka iyo Villa Soomaaliya uu beddeli doono saraakiisha dhinaca amniga qaabilsan, hase yeeshee taasi iminka ma muuqato.

Waa astaan kale oo muujineysa in saaxiibtinimada iyo danta gaarka ah ay ka weyn yihiin tan qaranka.

Ilo muhiim ah, ayaa Caasimada Online u sheegay inaanu Madaxweynuhu xilligaan Bashiir Goobe weydiisan in uu xilka iska casilo, taa bedelkeedana uu ku booriyay in uu hawshiisa sii wato, intii muddo ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliya, ayaa qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General C/xakiin Daahir Saacid, sidoo kalana wuxuu ka dhageystay Warbixinta la xiriirta ammaanka.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa General Saacid ka codsaday in uu xoojiyo shaqada ku aadan xaqiijinta ammaanka, isla-markaana ay Ciidamada Boolisku sameeyaan roondooyin lagu suggaayo ammaanka.

Tani, ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli la sheegay inaanay wax macno leh samayn doonin is casilka Wasiirkii Wasaarada Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, bacdamaa ay wada shaqayn ka dhaxeysa.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in Guuleed iyo Faarax iyo Xaasaska Xasan ay ishortaageen in labadan mas’uul xilka laga qaado. Halkan ka aqri warbixintaas iyo sababta

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com