DF Somalia oo qaadacday ka qeybgal-ka shir ay Kenya qabaneyso, Sabab?

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qaadacday ka qeybgalka shir looga hadlaayo qoxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool kaasoo ka dhacaya magaalada Nairobi.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aaney ka qeybgali doonin shirka Kenya ay ku qabaneyso Nairobi.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya laguma caddeen sababta dowladda u qaadacday shirkaas oo ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka tirsan hey’addaha Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka.

Kenya ayaa martigalisay qoxootiga ugubadan caalamka kuwaasoo ka soo ka cararay dagaalladii ka socday Soomaaliya 20kii sanno ee la soo dhaafay.

Horrey dalalka Kenya, Soomaaliya iyo hey’adda qoxootiga Qaramada Midoobay ee UHNCR ayaa ku heshiiyay in qoxootiga Soomaalida ee ku jirra xeryaha qoxootiga gobalka Waqooyi Bari ee Kenya.

Shirkan ayaa lagu waday in uu qabsoomo maanta oo Talaado ah balse waxaa muuqata in uu jirro Khilaaf xooggan oo ka dhex jirra dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay Kenya dirtay warqad cabasho ah oo ay uga hadleeyo dhibaatada lagu hayo muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com