26 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Dhageyso R/W C/Weli: Dano shaqsi ah dartood ayaa dalka loo bur-burinayaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadii ugu dambeysay ee kalsoonida Baarlamaanka weyday C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka hadlay waxyaabaha saldhiga u ah bur-burka dalka Soomaaliya iyo sida weli aysan u suuragelin in laga soo kabsado dhibaatadii bur-bur ee dalka ku dhacday.

C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa tilmaamay in sababta looga soo kabsan la’yahay bur-burkii dalka ku dhacay ay tahay in danta gaarka ah laga horumarinaayo danaha Qaran iyo mida guud, taasina ay tahay mida koowaad ee dalka uu usoo kabsan la’yahay.

“Danta Qaranka markii la helo ayaa danta shaqsiga la helayaa, laakiin beryahaan dadka Soomaalida waxa ay hormarinayeen danta shaqsiga ah, Beero kama sameysan kartid Shabeellaha hoose hadii aadan nabad galyadii iyo jidadkii iyo daryeelka dadka hadaanu jirin, marka waa in danta guud laga shaqeeyo,waxaad moodaa hadda in faham kaan uu soo badanayay, waayo dalkeena Is khilaaf iyo Dano shaqsi ah ayuu u bur buray, marka ilaa dadku ogaado danaha guud in ay ka horeysiiyaan kuwa gaarka ah waxba nooma soconayaan” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed oo la hadlay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.

C/wali ayaa la weydiiyay khilaafkii dhexmary isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, suurtagal inay aheyd inay ku dhex-jireen gacan saddexaad oo khilaafka wax ka waday, wuxuuna ku jawaabay.

“Aniga cid aan gaar ahaan farta ku fiiqaayo malahan, tuhunka waa iska badan yahay Soomaalida waxbey iska tuhuntaa, aduunka oo dhan waxbaa la’iska tuhmaa, laakiin waxay ila tahay inay jiraan mar walba dad u dhaxeeyay oo runtii qaska wax ka wada iyo dad badan oo laga yaabo u arka in dano ay ku helayaan is bedalka Xukuumadaha is bedalaya oo qaar badan ay leeyihiin Wasiir baad heli doontaan, qaar kalena ay leeyihiin xilalka ayaad helaysaan, marka kama marna gacmo kale, xafiisyada kaliya eeda lama saari karo laakiin xafiisyada ayaa howsha leh, iyaga ayaa la rabaa in ay ka madax banaanaadaan arintaasi oo howshooda daacad u noqdaan oo dalka ka nabad geliyaan jahwareer iyo deganaansho siyaasadeed in aanay soo noq noqon” Ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaarihii hore C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku baaqay in loo wada istaago danta qaranka, si shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan looga saaro jahwareerka haysta oo dalka nabad buuxda ay uga dhacdo.

C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa lagu xasuustaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la galay dagaal siyaasadeed adag oo ugu dambeyn natiijadiisa ay noqotay in Baarlamaanka lagu kala baxo, xilli uu aad u dagaalamay C/wali balse ugu dambeyn uu waayay codkii Baarlamaanka, sidaasina uu meesha kaga baxay.

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga Cabdi Weli

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News