Dhageyso : Saacid oo lagu eedeeyay abaabulka Xiisada Ka taagan G/Gedo

Balad-Xaawo (Caasimada online) Ra’isul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid , ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo Xiisada Colaadeed ee Muddooyinkan ka taagneyd degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Nabadoon Maxamed Xassan Baana oo kamid ah Odayaasha kasoo jeeda gobolka Gedo, ayaa sheegay in Ra’isul wasaare Saaacid uu yahay shaqsiga kadambeeya colaada Gobolka Gedo.

” Wixii ka dambeeyay Markii Ra’isul wasaaraha Somalia uu Booqday Garbahaareey, waxaa soo baxayay Qilaaf  u dhexeeyay Mas’uuliyiinta Gobolka, Ma garanayo Sababta, laakiin waa Saacid Ninka uu gobolka Gedo uu ka dagi la’yahay” Ayuu Yiri Nabadoon Baana.

Mudooyinkii ugu dambeeyay Xiisad Colaadeed ayaa ka taagneyn gobolka Gedo Taas oo u dhexeysay Maamulada Ahlu Sunna iyo dowlada Somalia oo Gobolkaasi ku wada Sugan , Gaar ahaan Xiisada ayaa ka jirtay Degmada Balad-Xaawo.

Ciidamo ka socda Dowlada Ethiopia ayaa tagay Gobolkaasi Gedo Sabab la xiriirta Xalinta Xiisadaasi inkastoo wali xal buxa aan laga gaarin hadana waxaa jira waan waan arintasi xal loogu raadinayo.

Dowlada Somalia ayaa lagu dhaliilay ka aamusnaanta Xiisada Badal-Xaawo, taas oo ugu dambeyn keentay in arintaas lagu eedeeyo Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia, walina kama aysan soo bixin wax jawaab ah .

Halkaan ka dhageyso Eedeynta Ra’isul wasaaraha loo jeediyay

Nabadoon Maxamed Xassan Baana Xogta Wararka

Caasimada online

Xafiiska Balad-Xaawo

Caasimada@live.com