27.8 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Dhageyso: Saacid oo Swizerland aaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Ra’isul wassaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Sherdoon Saacid iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka amba baxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyagoona kusii jeeda dalka Swizerland.

Waxaa socdaalkiisa ku wehliyay ra’isul wasaare Saacid xubno ka mid ah gobiliihi wasiirada oo ay  ka mid yihiin Wasiirka adeega Bulshada Xukuumada Soomaaliya , wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka , Wasiirka cadaalada iyo waliba xubno ka tirsn labada gole ee dowlda Soomaaliya.

Wuxuu dalka Swizerland kaga qeyb gali doonaan ra’isul wasaraha iyo wafdigiisa kulan looga hadlayo arimaha xuquuqda aadanaha oo dalkaasi dhawaan ka dhici doona.

Ridwaan Xaaji Cabdi wali, Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya oo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta wuxuu sheegay in Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Sidoo kale uu tagi doono dalka turkiga halkaas uu kaga qeyb gali doono shir ku aadan iskaashiga labada dal.

Safarka ra’isul wasaare saacid ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee dal yurub ka tirsan uu ku tago tan iyo markii uu xilkan la qareegay.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Ridwaan XAAJI

Rdiwaan-Xaaji-Cabdiwelli

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News