Dhageyso: Sanbaloolshe oo u hanjabay xildhibaan Mahad Salaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha nabad-sugidda Soomaalia, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa u hanjabay mas’uuliyiinta dowladda ee hadallada ka dhanka ah qorshaha hub ka dhigista Muqdisho ay kasoo yeeraan, si gaar ahna xildhibaan Mahad Salaad.

Sanbaloolshe oo caawa TV-ga qaranka uga hadlay isku dhacii maanta ciidamada dowladda ku dhex maray agagaarka madaxtooyada ayaa sheegay inuu ahaa shil u dhacay si lama filaan ah, islamarkaana aysan u dul qaadan doonin in qaab kale loo dhigo.

Waxa uu yiri “Waxaa jira mas’uuliyiin ku jira dowladda oo xasaanadda ay haystaan uga faa’ideysanaya inay sheegeen wixii ay doonaan,  taasna kama aqbaleyno”

Sanbaloolshe ayaa sheegay in xasaanaddu macnaheedu uusan ahayn in wixii doono la sheego, islamarkaana xasaanadda macanaheedu uusan ahayn in la horiyo xiisad colaadeed.

Inkasta oo uusan magacaabin Mahad Salaad, haddana wuxuu soo qaatay hadalkii  Mahad Salaad ee ahaa “Dalka wareegto iyo warsaxaafadeed laguma maamuli karo”

“Waxaa jira xildhibaano yiri dalka wareegto iyo warsaxaafadeed laguma maamuli kaor, oo ma mooshin baa lagu maamuli lahaa” ayuu yiri Sanbaloolshe, isaga oo ka digay in hadallada noocaas ah laga fiirsado.

Wuxuu sidoo kale soo qaatay hadalkii Mahad Salaad ee maanta oo ahaa in iska horimaadka ciidamada uu yahay astaan muujineyso qorshe xumida amniga Muqdisho.

Sanbaloolshe ayaa si carro leh ugu jawaabay Mahad Salaad, oo uusan magacaabin, balse cid kasta ay u caddeyd inuu isaga ku socday hadalka.

Hoose ka dhageyso hadalka Sanbaloolshe

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com