Dhageyso: Villa Somalia oo la dhaliilay

Muqdisho (Caasimada online) Ku dhawaad Todobo ruux oo ka mid ahaa Shaqaalaha Madaxtooyada Somalia, kuna heyb ahaa Madaxwenihii hore ee dowlada KMG aheyd Shariif Shiikh Axmed ayaa Shaqadii laga eryay sida warar soo baxayo ay sheegayaan.

Mukhtaar Abuukar Macalin, waxa uu ka mid yahay sida uu sheegtay waxgaradka kasoo jeeda  Beesha Madaxweynihii hore ee Somalia,  Agaasimaha Madaxtooyada ayuu ku eedeeyay, in gelinkii dambe ee Khamiistii uu shaqada ka ceyriyay, laba kamid ah darawaladii  Shariif Sheekh Axmed,  Hayeeshee Iminka darawalo u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh

Wuxuu sidoo kale sheegay in hore Villa Somaliya looga ceyriyay shan kaloo, kamid ah Shaqaalaha Villa Somalia ka hawlgala, ee ku heybta ah Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay inuusan sababta ogeen ilaa iminka

Shaqaalaha shalay laga fariisiyay Shaqada lagana ceysriyaya Madaxtooyada Somalia , ayuu sheegay in xitaa loo diiday, wixii Xuquuq ahaan, ee ay ku lahaayeen Dowladda.

Heshiis ay wada galeen  Madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu tilmaamay inay qeyb ka heyd inaan shaqaalaha Madaxtooyada aan shaqada laga eryin balse iminka Balantaas uu ka baxay Madaxweynaha

Mukhtaar Abuukar Macalin, ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyay Idaacada SKY NEWS ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka dhageyso Mukhtaar Abuukar Macalin

Halkaan ka dhageyso Muqtaar Abuukar maclin

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com