Dad laga soo ceyriyey Villa Somalia oo sheegay in qabiil ahaan loo beegsaday

Muqdisho (Caasimada Online) Idaacadda SKY ee magaalada Muqdisho, ayaa wareysatay nin la sheegay in uu ka tirsanaa shaqaalaha xarunta Villa Somalia, wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah shaqaalihii hore ee Shariif Sheekh Axmed in la buriyay.

Mukhtaar Abuukar Macalin, ayaa sheegay inta badan shaqaalihii Villa Somalia xilligii Shariif Sheekh Axmed la badalay laguna badalay shaqaale cusub oo uu keensaday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ninkan ayaa sheegay in labadii qof ee ugu dambeeyay ee laga ceyriyay uu ku jiray darawalkii madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed.

“Villa Somalia waxaa ka socota shaqo ceyrin lagu hayo beesha agoon yere, ilaa sagaal qof oo beeshaas ah ayaa laga ceyriyay bilaa sabab la’aan, waxaana lagu bedalay shaqaale qaraabo la ah madaxweyne Xasan Sheekh, arrintaas ma u dul qaadan karno.” ayuu yiri Mukhtaar Abuukar.

Wuu sii hadlay, wuxuuna yiri “Waxaa xarunta madaxtooyada la keenay shaqaale u badan xisbiga PDP, arrintaasna waa in ay wax ka qabtaan madaxweynaha iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada Faarax Sheekh Cabduqaadir ” ayuu markale yiri.

Si kastaba, ma ahan markii ugu horeysay oo warar noocan oo kale laga helo xarunta Villa Somalia, waana dhaqan inta badan ay lee yihiin madaxda isbadaleysa oo inta badan shaqaalaha meesha jooga haddii uu yimaado qof cusub waa la badalaa badanaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com