26 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Dhageyso: Shariif Xasan oo ka hadlay sababta uu siyaasadda xariif ugu yahay

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimadda Online) – Weli waxaa noo socoto ka sheekeynta wareysigii uu bixiyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxaana markaan soo qaadaneynaa qodob ku aadan inuu heli lahaa Shariif Xasan halkaan arrin haddii uu yahay shaqsiga ugu saameynta badan Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa la waydiiyey inay dadka Soomaaliyeed u arkaan inuu isaga yahay siyaasiga ugu saameynta badan Soomaaliya, dhawr jeerna uu xaliyey siyaasado isku xirixran oo aan isaga looga maarmi karin.

Shariif Xasan Shiikh Aadan oo su,aashaan ka jawaabayey ayaa sheegay inuusan isaga aheyn siyaasiga ugu saameynta badan Soomaaliya, midaasna ay caddeyn u tahay inaan loo dooran madaxweynaha Soomaaliya.

” Haddii aan aniga ahay Siyaasiga ugu saameynta badan Soomaaliya, waxaa la ii dooran lahaa madaxweynaha Soomaaliya, balse midaas waxay kuu caddeeneysaa in aanan aheyn” ayuu yiri Shariif Xasan.

Wuxuu ka dhawaajiyey inuu yahay siyaasi yaqaan halka ay siyaasadda ku biyo shubaneyso, isla markaasna uu yahay siyaasi in badan siyaasadda kusoo jirin, maadaama uu dhawr jeer xilal muhiim ah kasoo qabtay Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed intooda badan ayaa Shariif Xasan u arko inuu yahay siyaasi caqli badan isla markaasna saameyntiisa aysan yareyn marka laga hadlayo xalinta iyo furfurista syaasadaha isku xir xiran.

Dhawaan ayey aheyd markii Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Shariif Xasan ka codsaday inuu si deg deg ah u imaado Muqdisho si uu u xaliyo Khilaafkii ka taagnaa ansixinta golaha wasiirada, waxaana xusid mudan in dhammaan wixii xildhibaano ahaa la kala furfuray markii uu Shariif Xasan Imaaday Muqdisho.

Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Shariif Xasan ee ku aadan Calanka Koonfur Galbeed

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News